MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay taliye cusub ku badaleen Taliyihii Booliiska Dekada Magaalada Muqdisho ee xalay is casilay Gaashaanle Axmed Khadar sida uu cadeeyay Genenaal C/laahi Xasan Bariise.
Gaashaanle-sare Mahad Korow oo ahaa taliyihii laanta Canshuuraha iyo Ilaalinta dhaqaalaha ee Gobolka banaadir ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Booliiska Saldhiga Dekada Magaalada Muqdisho.
“Waa wax kama jiraan in dekadda Muqdisho Maandooriye laga fasaxay,Taliyaha sheegeyna Xilka Taliyaha Boliiska ayaa ka qaaday”.ayuu yiri Genenaal C/laahi Xasan Bariise oo gabi ahaanba meesha ka saaray wararka sheegaya in daroogo la qabtay darteed uu isku casilay Taliyihii hore ee saldhiga Dekada Xamar.
Maanta ayaa lagu wadaa in gudaha saldhiga Dekada Muqdisho inuu ka dhaco munaasabada xil wareejinta ,oo ayna ka soo qeybgeli doonaan saraakiisha Booliiska Gobolka Banaadir si ay labada sarkaal xilka ugu kala wareejiyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
