BUUHOODLE (DAYNIILE.COM)-Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland ee Gobolka Cayn ka hor dhismihii maamulka SSC Khaatumo ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Maamulka Puntland uu bixiyo mushaarka ciidamada Khaatumo.
Taliyahaan hore oo lagu magacaabo Col. C/raxmaan Cabdullaahi Axmed (Afweyne) oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa saxaafada u sheegay in Maamulka Puntland uusan goosan mushaarkii islamarkaana ilaa iminka la siiyo mushaarka ciidamada Difaaca Gobolka Ceyn.
Ciidamadaan sarkaalku sheegay inay wali mushaarka qaataan ayaa isugu jira Daraawiish iyo Boolis, wuxuuna xusay inay kor u dhaafayaan Kun askari kuwaasoo difaac kaga jira Gobolka Ceyn sida uu warka dhigay.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Luga-toor, iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee isla puntland Axmed Karaash ayuu sarkaalkaanu tilmaamay inay hogaaminayaan ciidamada musharka la siiyo ee difaaca Gobolka Ceyn.
Col. C/raxmaan Cabdullaahi Axmed (Afweyne) oo wareysi uu bixiyay ku beeniyay war dhawaan ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Maamulka SSC Khaatumo kaasoo gabi ahaanba meesha ka saaray in Puntland mushaar siiso ciidamo reer Khaautumo ah .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
