HomeWarkiiTaliye Jimcaale Takar oo Saciid Deni ku war-geliyay inuusan Garoowe ku qaban...

Taliye Jimcaale Takar oo Saciid Deni ku war-geliyay inuusan Garoowe ku qaban karin Shir ka dhan ah Dowlada Somalia

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Taliye Jimcaale Takar oo ciidamo iyo gaadiid dagaal ku heysta Garoowe iyo Boosaaso ayaa si cad ugu wargeliyay Madaxweynaha Puntland inuusan Garowe ku qaban karion shir ka dhan ah Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo ay isugu yimaadaan mucaaradaka Dowlada.

Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray inuu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sidaas daraadeedna uusan aqbali karin in siyaasiyiin ka soo horjeeda Dowlada Somalia ay isugu yimaadaan Garoowe kana gudbiyaan afkaar ka dhan ah Dowlada.

Sarkaalkaan oo caan ka ah deegaanada Puntland ayaa ah sarkaalkii ciidamada iyo tiknikada badan ka direy Garowe markii Madaxweynaha Somalia uu dhawaan booqanayay Laas-caanood kuwaasoo si toos ah ugu xilsaarnaa amniga Madaxweyne Xasan Sheekh ilaa iyo inta uu ku sugnaa laascaanood.

Sidoo kale Jimcaale iyo Saciid Dani marar badan ayay ku dagaalameen Garowe iyo Boosaaso markii is faham daro dhanka siyaasada ah ay soo kala dhex gashay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -