HomeWarkiiTaliye ku xigeenka sirdoonka Masar oo Muqdisho yimid iyo waqtiga ay ciidamadoodu...

Taliye ku xigeenka sirdoonka Masar oo Muqdisho yimid iyo waqtiga ay ciidamadoodu imaanayaan Somalia

May be an image of 1 person and helicopterMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida aan xogta ku helnay Taliye ku xigeenka Sirdoonka Dalka Masar ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoona la kulmay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Faderaalka Somalia.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu u yimid diyaarinta goobihii ciidamada Masar ay saldhigyo kaga sameysan lahaayeen gudaha Dalkeena Somalia madaama ay qeyb ka yihiin howlgalka cusub ee AUSSOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu booqday oo diyaarad lagu geeyay qaar ka mid ah gobolada dalka oo ah halka qorshuhu yahay inay fariisinmo ka sameystaan sida Shabeeleeyoonka ,Hiiraan iyo Geddo.

Ciidamada Masaarida guud ahaan waxaa la sheegay inay iman doonaan Somalia 5 ilaa 10 kun askari kuwaasoo lagu wado inay Dowlada Somalia ka caawiyaan sidii ay uga adkaan lahayd dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in meelaha Taliyahaani uu  booqday maalinadmii shalay in ka hor imaanshaha ciidamada Masar hada la sii diyaarin doono hab wanaagsan oo dhufeysyo fiican leh.

Xogta aan helnay waxay sidoo kale sheegeysaa in bisha September ay soo bilaaban doonaan imaanshiyaha ciidamadaani oo dhanka kale wali ay taagan tahay cabsida laga qabo inay iyaga iyo Itoobiyaanku isku gacan saaraan gudaha Somalia gaar ahan Gobolada xuduudaha ku yaal sida Hiiraan iyo Geddo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -