HomeWarkiiTaliye Macalin Mahdi oo shaaciyay inay u siman yihiin xisbiyada dalka ee...

Taliye Macalin Mahdi oo shaaciyay inay u siman yihiin xisbiyada dalka ee ku tartamaya Golaha Deegaanka iyo xukunka Dalka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gashanle-Sare Mahdi Cumar Muuumin oo loo yaqaan Macalin Mahdi ayaa ka hadlay sugidooda amniga marka la gaaro doorashooyinka dalka iyo sida ay dhex dhexaad uga yihiin dhinacyada siyaasada isku haya.

Macalin Mahdi wuxuu carabka ku dhutay inay u siman yihiin xisbiyada dalka ee ku tartamaya  doorashooyinka Golaha deegaanka ee bisha danbe dhaceysa iyo waliba mida ku xigta ee xukunka Dalka.

Taliyaha wuxuu si gaar ah ula hadlayay saraakiisha kala duwan ee Booliiska Gobolka Banaadir oo uu kulan gaar ah la qaatay lana dar daarmay madaama bishaan tan ku xigta loo dareerayo doorashooyinka Golaha deegaanka.

“Xisbiyada kala duwan ee ku tartamaya Golaha deegaanka waa noo siman yihiin, waxaana ka Booliis ahaan xanbaarsanahay kalsoonidii shacabka.” ayuu yiri Macalin Mahdi

Taliyaha Booliiska Caasimada Xamar wuxuu ku adkeeyay saraakiisha Booliiska inay waajib ka saaran tahay amniga meelaha doorashooyinku ka dhacayaan si gaar ahna loogu fududeeyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba,sida curyaamiinta iyo waliba dadka waayeelada ah.

“ogaada anaga Booliis ayaa nahay looma baahna inuu saameyn idinku yeesho hadalada baraha bulshada inta kaanbeynku ama ol-olaha doorashooyinku socdaan,cidii calaf u yeelata ayaa doorashada ku soo baxeysa, anaga mar kasta waxaan booliis u nahay dalka waxaan ka amar qaadaneyna cidii markaasi xukunka dalka heysa”ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -