HomeWarkiiTaliye Macalin Mahdi oo Wariyayaal iyo Saraakiil Boolis ah u hanjabay

Taliye Macalin Mahdi oo Wariyayaal iyo Saraakiil Boolis ah u hanjabay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha  Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta si isku mid ah ugu hanjabay Wariyayaasha iyo saraakiisha Booliiska ee ku jirra dhulka Dowlada gaar ahaan kuwa ku dhaw Dekada Muqdisho gaar ahaan Sheelare.

Taliyaha wuxuu sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan  wariyayaasha borobogaandhaha iyo been-abuurka  shaaciya ,wuxuu xusay in lagula xisaabtami doono mar kasta islamarkaana sharciga la hor geyn doono

Saxaafadda dadka borobogaandhaha iyo been-abuurka marsiinayana waxaan leeyahay waa la idinkula xisaabtamayaa, sharciga ayaana la idin horgaynayaa,

“qofka weriyaha ahina xaq uma laha inuu tabiyo warar been-abuur ah, xaqna uma laha inuu tabiyo war lid ku ah amniga qaranka.”ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir

Sidoo kale Taliyaha wuxuu saraakiisha Booliiska ee dhulka Dowlada degan gar iyo gardaro uu sheegay in laga saarayo oo aysan waxba ka duwanayn shacabkii laga saaray dhulalka Dowlada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -