MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)- Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa goor dhaw u tagay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Kooxda Koonfur-galbeed kuwaasoo xalay maqribki dhagxaan lagu weeraray.

Taliyaha ayaa ugu horeyn raali gelin ka bixiyay dhacdadii shalay ay ku dhaawacmeen laba ciyaartoy oo Koonfur-galbeed ka tirsan xili hay’adaha amaanku dayaceen amaanka kooxdaasi.

Advertisement

Sidoo kale wararka laga helaayo kulankaan ayaa sheegaya in Taliye Mahad Salaad balan qaaday amniga kooxda Koonfur-galbeed isagoona dhanka kalana ka codsaday inay ciyaaraha dhameystaan.

Xiriirka Ciyaaraha kubada Cagta ayaa xalayba sidaas oo kale uga codsaday reer kolnfur Galbeed inay dhameystaan tartanka madaama ay ka mid yihiin kooxaha tartanka nuurinaya.

Si kastaba ma cada inay aqbaleen reer koonfur-galbeed walow warar aan la xaqiijin xalayba sheegeen in lagu qanciyay inay sii wataan tartanka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

May be an image of 8 people, people playing American football, people playing football and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 11 people

Previous articleDAAWO: Qiso Xarar dheere ku dhex-martay Gen.Biixi iyo Taliye Suul-nuug Xiligii Farmaajo
Next articleMadaxweyne xigeenka Galmudug oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here