HomeWarkiiTaliye Odowaa oo goor dhaw magacaabay  Taliyaha cusub ee Guutada 14-ka October

Taliye Odowaa oo goor dhaw magacaabay  Taliyaha cusub ee Guutada 14-ka October

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Taliyaha cusub ee Guutada 14-ka October si rasmi ah ugu magacaabay G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Tan iyo bishii April ee Sanadkan oo uu duleedka degmada Afgooye ku Shahiiday isagoo ku howlanaa gudashada waajibkiisa Qaran Allaah Unaxariistee Taliyihii hore ee Guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” waxaa Guutada si kumeel gaar ah Ku-sime uga soo ahaa G/dhexe Cabdiraxiin Munye oo markii hore ahaa Kaaliyaha Guutada 14-ka October.

Taliyaha Cusub ee Guutada 14-ka October G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sidoo kale laba jeer oo kala duwan Taliye Urur ka soo noqday Guutadan, waxaa uuna kaalin muuqata ku lahaa howlgaladii Khawaarijta looga sifeynayay Magaalada Marka iyo deegaanka Sabiid oo kawada tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -