Bismillah

Asalamu calaykum, salaan kadib marka koowaad waxaan u hambalyeynaa dhammaan muslimiinta iyo ummada Soomaaliyeed uguna hambalyeynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramaadaan waxaana ilaahay ka baryaa inuu naga dhigo kuwii ka faa’idaysta bishan barakaysan ee Ramadaan.

Marka labaad waxaan rabaa inaan ummada Soomaaliyeed u cadeeyo inaysan jirin wax xil ka qaadis ah oo la igu sameeyay laba sababoodna aan xilka la iiga qaadi karin oo kala ah:-
1. In taliye federal uuna taliye gobol xilka qaadis ku sameen karin magacaabisna ku sameen karin, magacaabis iyo xilka qaadistana ay noqoto kaliya digreeto madaxwayne.
2. Maadama xilli kala guur ah lagu jiro madaxwynahana waqtigiisa uu dhamaaday malaha wax awood ah oo uu ku magacaabi karo xil ciidan ama xilka qaadis.

Hadaba sidaa ayadoo jirto madaxwaynahana uu ogyahay in waqtigiisa dhamaaday digreetana xil iiga qaadi karin ayuu soo adeegsaday taliye Xijaar si xaalad loo abuuro xarunta barlamankana loo afduubto nasiib xumo isku daygaas wuu dhacay dib ayaana looga xisaabtami doonaa insha allah.

Waxa aan ka soo horjeedo waa in dalkaan qalalaase laga abuuro iyo mudoo kororsi dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaallo sokeeye.

Waxaan kaloo bogaadin iyo hambalyo u dirayaa madaxweyne Axmed Qooqoor iyo Cali Guudlaawe oo iska diiday sharci daradii maanta golaha baarlamaanka laga soo saaray kuna baaqay in dib loogu laabto shirkii furnaa ee doorashooyinka.

Wabillahi Towfiiq.

Gen Sadaq Omar Hassan – Sadaq John

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here