Muqdisho, Soomaaliya – 7 Sebteembar 2025:
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Ganeraal Khaalid” ayaa maanta Garoonka Aden Cade ee Magaalada Muqdisho ka Sagootiyay saraakiil ka tirsan Ciidmada Dalka Masar oo Maalmahan howlo shaqo u joogay Dalka.
Saraakishan Masaarida ah ayaa Intii ay Joogeen Dalka waxaa ay Howla shaqo Muhiim ahaa una badnaa Taageerada Ciidanka Xoogga Dalka ku tageen Magaaloyinka Jowhar, Balcad, Mahaday, Buurane, iyo garoonka Ballidoogle,
S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tilmaamay in booqashada Saraakiishan ay muujineyso xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar,
Waxuuna Dowlada Masar ugu mahad celiyay Taareerida iyo Garab istaaga Shacabka iyo Dowlada dhiska Somalia
Saraakisha Maanta la Sagootiyay ayaa horudhac u ah ciidamada Masar ee dhawaan kusoo biiri doona Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM)







