Taliye Shub ayaa ugu baaqay hay’addaha ku shaqada leh arrimaha cadaalada iney ku dhaqmaan caadalada si looga gudbo cadaalad darada jirta.

Wuxuu sheegay Taliyaha in xabsiyada ku yaala Muqdisho oo uu ugu horeeyo xabsiga dhexe iney ku xiran yihiin maxaabiis isaga xiran mudo 10 sano ah oo wajahaya cadaalad daro weyn oo u baahan in si dhab ah wax looga qabto.

“Magaca aan wadano kuligeena wuxuu ka tarjumayaa Cadaalad laakiin wax cadaalad la dhahayo dalkaan kama jirto oo waxa xabsiyada aan ku hayna dad iska xiran mudo 10 sano ah, waxaan leyahay caadalada aan ku dhaqano xabsiyada soo fiiriya oo qof walba waxa uu ku xiran yahay hala eego, si gaar ah Booliska, Xeer ilaalinta iyo wasaaradaha amniga oo ay quseyso ka shaqeynta howlaha Cadaalada, waxaan leeyahay aan ku dhaqano Cadaalada” ayuu yiri Taliye  Mahad Cabdiraxmaan Aadan Shub.

Advertisement

Hadalka Taliye Shub ayaa kusoo beegmaya, ayadoo dowladda Soomaaliya ay haatan wado qorshe ay ku hormarinayso garsoorka dalka iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa xatooyada Xoolaha dadweynaha.

Previous articleSaddex Sarkaal oo ciidanka dowladda oo loo xiray weerarkii xerada ciidamada ee Jaalle Siyaad
Next articleFarriin ku Socota Dhamman umada Muslimiinta Meel kasto oo Aay ka joogan Dunida Dacaladeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here