MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida uu warbaahinta la wadaagay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub) Kooxda Alshabaab ayaa dooneysa inay weerar ku soo qaado xabsiga dhexe ee dalka halkaasoo ah goobta ugu badan ee danbiilayaashu ku xiran yihiin.
Taliye Shub wuxuu carabka ku adkeeyay inay hayaan xog tilmaameysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen inay weerar ku qaadaan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.
“madaama aan helnay xogtooda ciidamada xabsiga way u diyaar garoobeen weerar walba oo alshabab soo qaadaan , mana jiri doonto mid iyaga ka mida oo ka fakada ciidamada xabsiga,dham,aantood waa la dili doonaa”ayuu yiri Taliye Shub
Sarkalkaan waxaa kale uu sheegay inay ka hortagayaan dhamaan qorashayaasha Alshabaab sida inay xabsiga ka bxiyaan dagaal-yahano uga xiran,sidoo kale wuxuu xusay inay ogyihiin damacooda iyo meelaha ay doonayaan inay ka soo galaan xabsiga.
Mar uu la hadlayay ciidamada ilaalada ka haya xabsiga ayuu uga digay inay amniga dayacaan oo fursad siiyaan cadowga ,isagoo tusaale usoo qaatay isticmaalka Mobile-da gacanta isagoona uga digay arintaasi ciidamada ku qoran waardiyaha kore.
“ku mashquulka mobile-ka gacanta waxay sababi kartaa dabacsanaan amni, ugu danbeyna u sahli karta cadowga inay dhibaato ka geystaan xabsiga”ayuu yiri Taliye Shub.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
