Dhoobleey (dayniiile.com)-Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose waxaa booqasho ku tagay khamiistii shalat Taliye ku xigeenka ciidanka booliska ATMIS CP Martin Amoru iyo saraakiil kale

Ujeedka booqashada Saraakiishaani ayaa lagu sheegay inay tahay si ay indhahooda ugu soo arkaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada booliska Jubbaland oo iskaashi uu kala dhexeeyo.

Advertisement

Taliye xigeenka Booliiska Atmis wuxuu kulamo la qaatay saraakiisha ugu sareysa ciidanka kinya iyo saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo uu horkacayo G.sare. Heybe Mohammed.

Sarkaalkaan wuxuu dajiyay xiriir wada shaqayneed oo adag oo ka dhexeeya ATMIS iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF) ee la dagaalanka Al Shabaab & kor u qaadista amniga gobolka sida lagu cadeeyay war Atmis ay soo dhigtay baraha bulshada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXiisad Dagaal oo Saaka ka jirta Deegaano Jowhar hoos taga
Next articleMaamulka Qaatumo oo lagu soo daray ciyaaraha Maamul Goboleedyda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here