Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeee Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Talihii Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Gaashaanle Maxamed Qorsheel, isaga oo mid Cusub Magacaabay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha ayaa waxaa taliyaha Ciidamada Booliska Beledweyne loogu magacaabay L/X/le Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege), isaga oo bedelaya taliyihii Booliska Beledweyne ee xilka laga qaaday Gaashaanle Maxamed Qorsheel.

Sarkaalka cusub ee la magacaabay ayaa horey uga tirsanaa Hoggaanka Ciidamada booliska wuxuuna kasoo shaqeeyay gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya..

Tallaabadaan xilkii looga qaaday taliyihii Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan Magaalada Beledweyne la filayo inau ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, isla markaana amnigeeda ay sugayaan Ciidamada Booliska Beledweyne iyo kuwa AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here