ANKARA (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo caawa ah shil diyaarad ku dhintay Taliyihii guud ee ciidamada Libya iyo Saraakiil sar sare oo la socotay xili ay ka soo safeeen Magaalada Ankara ee Dalka Liibiya.
Saraakiisha kale ee dhimatay waxay kala yihiin lataliyihii Taliyaha guud ee Ciidamada Liibiya Maxamed Al Casawi Dayib, Taliyihii ciidamada dhulka Libya Gen Alfituuri Jabriil, agaasimihii wax soo saarka Milatariga Sareeye Guuto Maxamuud Al Qataawi iyo Sawir qaadihii xafiiska
Ra’iisul wasaaraha Libya ayaa ka hadlay dhacdada wuxuuna xaqiijiyay geerida Saraakiisha sae sare ee ciidamada Dalka Liibiya.
Taliyihii guud ee ciidamada Libya iyo Saraakiisha kale ee shilka diyaarad iskula dhintay waxay ka laabanayeen Ankara kadib kulan ay la qaateen wasiirka gaashaandhiga ee Turkey.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
