Wararka ka imaanaya Degmada Dayniile ayaa sheegaya in goor dhaw la dilay Taliyihii ciidamada Hay’adad Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka u qaabilsanaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Abdishakuur Raage (Abdi Yare ).

Taliyaha ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawac Culus oo ka soo garay Miino loogu Xiray gaarigiisa, Waxayna Warar kale sheegayaan in gaari Cabdi Bille ah uu la socday taliyaha  qarax miino lagula eegtay Deegaanka Ceel Shaale ee kuyaala duleedka Degmada Dayniile.

 

Qaraxa ayaana waxaa ku dhintay taliyaha NISA ee degmada Dayniile iyo qaar kamid ah ciidamadii la socday, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay qaar kale oo kamid ah ciidamada Nabad Sugida.

Sidoo kale ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here