HomeWarkiiTaliyihii hore Ciidamada Jabuuti oo loo soo magacaabay Safiirka Jabuuti ee Somalia

Taliyihii hore Ciidamada Jabuuti oo loo soo magacaabay Safiirka Jabuuti ee Somalia

DJABUTI (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Dowlada Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu u soo magacaabay Somalia safiir cusub oo dhawaan Muqdisho loo soo dirayo si uu u badalo safiirkii hore.

Safiirka cusub oo magaciisa lagu sheegay Col. Cusmaan Dubad ayaa hore Somalia uga howlgalay isagoona mar soo noqday Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee ka howlgala Gobolada dalka qaarkood sida Hiiraan balse markaan waa diblomaasi wakiil uga noqon doona Salkiisa Somalia.

Dowlada Jabuuti ayaa maalmaha soo socota waxay sagootin u sameyn doonaan Danjirre Col. Cusmaan Dubad markaasoo uu u soo safri doono Muqdisho si uu Madaxweyne Xasan ugu wareejiyo warqada aqoonsigiisa Danjirenimo.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -