HomeWarkiiTaliyihii hore ee Ciidamada Milateriga Somalia oo maanta xilka ku wareejinaya Taliyaha...

Taliyihii hore ee Ciidamada Milateriga Somalia oo maanta xilka ku wareejinaya Taliyaha cusub

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo maanta ka dhaceysa Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu Taiyihii hore ee ciidamada Milateriga Somalia Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage uu xilka ugu wareejiyo Taliyaha cusub Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Masuuliyiin sare oo Dowlada ka tirsan ayaa lagu wadaa inay munaasabada ka soo qeyb-galaan xilkana u kala wareejiyaan labada Sarkaal ee midi hore u hayay xilka iyo midka cusub ee dhawaan loo magacaabay.

Taliye Odowaa waxaa lagu xasuusan doonaa inuu Dowladii hore iyo tan hada labadaba ka soo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia taasoo muujineysa inuu yahay shaqsi ad-adag oo xilkaasna ka soo bixi kara.

Taliyaha cusub Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud waxaa isagana lagu amaanayaa inuu yahay sarkaal si wanaagsan dalka Turkeyu uigu soo bartay howlaha ciidamada iyo hogaanka ciidamada Xooga Dalkeena ,sidoo kalana waxaa aad loo hadal hayaa in Dowlada Turkey wadato sarkaalkaan madaama Turkigu dhaqaale badan ku bixiyo horumarinta ciidamada Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -