Taliyihii Saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed oo Noqonaya Taliyihii labaad oo ku biira, ayaa Ciidamo uu wato waxay gaareen miniraanyo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliye Faarax oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan ay ku biireen ciidamo ku sugan aagga Mirinaayo, kuwaas oo shalay halkaas dagaal kula galay ciidamo daacad u ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Is dhiibida Taliyaha booliska degmada Yaaqshiid waxay ku soo aadeysaa, iyadoo sidaan oo kale uu galabta ciidamada ka gadoodsan mudo kororsiga ugu biiray taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir Farxaan Jaraaye.

Taliye Farxaan Jaraaye ayaa warbaahinta kula hadlay aagga Mirinaayada, waxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here