TALO KU SOCOTA RW. ROOBLE

Ra’isulwasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Eng. Maxamed Xuseen Rooble waa ra’isulwasaare leh dabeecado ka duwan ra’isulwasaariyaashii wadanka soo maray xoriyaddii kedib, waa ra’isulwasaarihii ugu horeeyay ee aan musharax madaxwayne ahayn lehna awoodo badan oo aan lagu dhicin waqtigaan hadduu fahmi karo, taasoo ay sababtay xaaladda kala guurka ah uu ku soo beegmay sida hay’adaha dastuuriga ah oo waqtigoodu dhamaaday lahayna awood ay xil ku magacaabaan, ku ansixiyaan ama ku bedelaan iyo xilli doorasho oo waqtigiisii dib looga dhacay shaqada keliya ee socotana ay tahay habkii doorasho loo dhan yahay, la isla ogolyahay dalka uga qaban lahaa.

Rooble wuxuu haystaa fursad qaali ah uu isku muujin karo inuu yahay nin dalka badbaadin kara, wuxuu awood u leeyahay inuu u kala gudbo labada dhinac ee magaalada oo ay ciidammadu isku hor fadhiyaan isagoon cabsi ka qabina hor fadhiisan kara ciidammada gadoodsan colaadda iyo dabka shidanna demin kara maadaama ay yihiin dadka uu ku metelo awood qaybsiga wadanka, sidoo kalena awood u leh inuu amar siiyo ciidammada dhanka Farmaajo jira isagoo aan u baahnayn xilligaan kalsoonida iyo amarka madaxwaynaha xilku ka dhamaaday howshana si karti leh ula wareega.

Rooble waxa uu haystaa fursad kale uu kula macaamili karo madaxda maamul goboleedyada isagoon aan u baahan inay talo ku darsadaan kooxdan yaryar ee farmaajo la talisa, loogana baahan yahay inuu albaabada ka soo xirto qolooyinka farmaajo jidkaan qardajeexa ah ku hagay, kana talageliyo jihada doorashada iyo sixitaanka waxyaabaha la isku haysto dad waaya’arag muxtarimiin ah bulshada Soomaalida qaybaheeda kala duwan ka yimaada oo xaaladda Soomaaliya si wayn uga warqaba.

Ra’isulwasaare Rooble oo aad ula socda ilaa iyo intuu xilka hayay dhaliilihiisa iyo cabashooyinkii uga imaanayay dhanka mucaaradka waxaa iyana uu haystaa furad kale uu ku dejin karo kooxda ka soo horjeeda Farmaajo talooyinka ay siiyaanayaana u arkaa inay yihiin kuwo tixgelin mudan isagoo aan u baahan inuu talooyinkaas kula laabto madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday oo caan ku ah ficiltanka iyo fashilinta waddo kasta oo toosan, maadaama ay ku jiraan raggaas masuuliyiin xilalka sare wadanka soo qabtay iyo ruug cadaa siyaasadeed si fiican ula socday waqti dheer heerarkii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Ra’isulwasaare Rooble waa inuu ogaadaa inuu yahay nin xil wayn oo qaran haya ee aanu isu ekaysiin nin xafiis nin kale uga shaqeeya amar ama hanjabaadna ka qaata Farmaajo iyo kooxda ku hareeraysan, laakiin yahay nin dadka iyo dalka Soomaaliya jidka ka qaldamay ku soo celin kara, taasoo haddii uu ku guulaysto u noqon doonta mid taariikhda u gasha Soomaaliduna ku taageeri doonto mustaqbalkiisa siyaasadeedna ka anfaci doonta.

Mustafa Salad Awale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here