MUQSISHO (DAYNIILE.COM)-Shir sanadeedka 6-aad ee Garsoorka Dalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ka qeybgaleen masuuliyiin kala duwan.

Shirkaan oo Garsoorayaal, culumaa’udiin iyo Saraakiil intaba ay ka hadleen ayaa waxaa ka mida ahaa dadkii hadlay  Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudookiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed.

Advertisement

Shiikha ayaa shirka ka soo jeediyay  Talo u hiilineysa dadka awooda loo sheegto kuwaasoo u ciishooda inay cadaalad helaan.

Talada shiikha ayaa ahayd  in la helo xafiis u gaar ah dadka ay dulmiyaan kuwa awooda sheeganaya ama dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed oo isna ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in shir-weynaha Garsoorka sannadkaan  uu xoogga saarayo la dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Ciribtirkiisa

Sidoo kale dadkii hadlay waxaa ka mid ahaa Taliye xigeenka Booliiska Soomaaliya wuxuuna sheegay inay si weyn ula shaqeynayaan Hey’adaha garsoorka dalka.

Hadaba talada shiikh Bashiir oo ahayd mid aad u wanaagsan hadii laga dhabeeyana dad badan ku ciil bixi doonaan halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Tv-ga Qaranka.

Previous articleDAAWO: Suldaanka Beesha Habar-yoonis oo su’aalo adag ka weydiiyay Muuse biixi arinta badda
Next articleSafiirka Itoobiya ee Somaliya oo raali gelin ka bixiyay gaf uu Somalia u gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here