ROMA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Dowlada Somalia ku wareejinayaan sida ugu dhaw 30 gaadiidka gaashaaman ah nuuca loo yaqaan VBL Puma 4×4.
Talaabada Madaxda Talyanigu qaaday waxay geeyeen oo lagu meel mariyay Baarlamaanka Talyaaniga gaar ahaana guddiyadooda Arrimaha Dibadda iyo Difaaca.
Gaadiidkaan Gaashaaman oo ah nuuca fudud ee Soomaalidu u taqaan beebayaasha waxaana lagu kor xiri karaa qoryaha waaweyn sida dhashiikaha shilkaha iyo baroon 50,sidoo kale wuxuu gudaha ku qaadi doonaa ciidamo aan badneyn.
Sida muuqaal laga diyaariyay laga arki karo gaadiidkaan gaashaaman wuxuu awoodaa inuu ku socon karo dhulka kala koreeya oo uu si fudud ku kori karo dhul ka koreeya.
Heshiis milatari ee labada Dal ka dhexeyay iyo bixinta gaadiidka gaashaaman waxaa suuragal ka dhigay markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dhawaan Soomaalia ka qaaday cunaqabatayntii hubka.
Sidoo kale tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo taageerada caalamiga ah ee dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waxaana heshiiskaani iyo bixinta gaadiidkaan dhawaan Muqdisho uga hadlay Taliyaha ciidanka difaac ah Talyaaniga, wasiirka difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha milatariga Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM