sheegtay Q/Midoobey tahriibayaal tiradoodu gaareyso 74 ayaa geeriyooday kadib markii doontii ay la socdeen oo cilladi ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 kale oo la socday doonta qalibantay.

xeebaha Liibiya ayaa noqday meel inta badan marin u ah tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaasoo doonaya inay gaaraan wadamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan.

Ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000 oo kale lagu celiyay Libya, halkaasoo la sheegay inay kala kulmaan xarig iyo xadgudubyo kale.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here