Nairobi (dayniiile.com)-Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tasrsan oo maanta shaqada ugu ekeyd islamarkaana xalay loo sameeyay sagootin ayaa lagu wadaa inuu berito oo khamiisa dib ugu soo labto Magaalada Muqdisho.
Safiirka ilo ku dhaw ayaa noo sheegay in Xamar looga yeeray uuna ku soo wajahan yahay khamiista beriya insha Allaah.
Warar aanan xaqiijin ayaa sheegaya in Safiirka lagu badalaayo lagu magacaabi doono shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee dhacaya Khamiista beri ah.
Shirka Khamiislaha ee Berito waxaa looga dhawaaqi doonaa xil ka qaadista Tarsan,magacabsta safiirka cusub iyo magaciisa.
Dhanka kale Danjire Tarsan isna waxaa la hadal hayaa in Dowladu xil kale uga dhiibi doonto gudaha dalka gaar ahaan Gobolka Banaadir walow aaney jirin warar rasmi ah oo arintaasi xaqiijiiya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM