HomeWarkiiTarsan oo Dowlada kula taliyay in la dhiso ciidamo badeed leh maraakiib...

Tarsan oo Dowlada kula taliyay in la dhiso ciidamo badeed leh maraakiib dagaal

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Safiirkii hore ee dalkeena u fadhiyay Dalka Kenya ayaa  qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu Dowlada Somalia kula taliyay in la dhiso ciidamo badeed xoog leh oo leh maraakiib dagaal si xeebaha dalkeena looga ilaaliyo cadowga kala duwan.

“Dowlada Somalia waxaan ku boorinayaa inay xoogga saarto dhismaha Ciidanka Badda waayo waxaan nahay Dowlad leh xeebta ugu dheer Afrika taas oo u baahan in la ilaaliyo kheyraadka ku jira iyo amnigeeda”ayuu yiri Danjirre Tarsan.

Siyaasi Tarsan wuxuu xusay in isaga ay la tahay in xiligaan Dowladaha galbeedku diyaar u ahayn inay Soomaaliya ka taageeraan dhismaha ciidamada Badda sidaas daraadeedna uu soo jeedinayo in loo jeesto  meelo kale oo Somalia ay la heli karto taageero dhanka ciidamada Badda.

“waxaan ka dalban karnaa Shiinaha ama Ruushka inaan ka helno 5 markab ama 10 markab oo ah kuwa lagu ilaaliyo xeebaha,taas badalkeedana waxaan ruqsad u siineynaa in kaluunkeena jilaabtaan oo haddaba dowlado badan si sharci daro a uga kaluumeystaan”ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -