HomeCiyaarahatartanka cusub ee kubadda cagta xeebaha oo galabta Muqdisho ka furmay+SAWIRRO

tartanka cusub ee kubadda cagta xeebaha oo galabta Muqdisho ka furmay+SAWIRRO

Waxaa galabta garoonka Beach Soccer ee Muqdisho lagu furay kulan gogol-xaar ah oo loogu talagalay daahfurka tartanka cusub ee kubadda cagta xeebaha.

Munaasabaddan furitaanka ah ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin sare oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo Wasaarada Dhalanyarada iyo ciyaaraha.

Furitaanka Kulankan ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed, oo si diirran u sheegay muhiimadda ay leedahay horumarinta kubadda cagta xeebaha, isagoo tilmaamay in tartamadan ay muhiim u yihiin kobcinta ciyaartoyda iyo tayeynta ciyaaraha dalka.

Guddoomiyaha ayaa waxaa wehliyay Guddoomiye ku-xigeenada Xiriirka, Mudane Axmed Faarax Taqal, iyo sidoo kale Mudane Cabdirashiid Cabdulle Maxamed, kuwaasoo dhammaantood muujiyay taageeradooda iyo sida ay uga go’an tahay in ciyaaraha xeebaha la gaarsiiyo heer sare.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Saadaq Axmed Cabdulle, oo xusay in Wasaarada ay garab taagan tahay horumarinta ciyaaraha dalka, gaar ahaan kuwa dhallinyarada ay sida gaarka ah u xiiseeyaan.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno muhiim ah oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xiriirka Kubadda Cagta, sida Mudane Abuukar Islaw iyo Mudane Yaxye Maxamed Abuukar, Axmed Cali Xasan Iyo sidoo kale Agaasimaha Beach Soccer-ka, Mr. Abshir Cabdi Abshir, oo dhammaantood muujiyay sida ay uga go’an tahay kobcinta tartamada kubadda cagta xeebaha.

Dhamaadkii munaasabadda ayaa lagu muujiyay hamiga laga qabo in tartankan uu noqdo mid sal u dhigaya mustaqbal ifaya oo dhanka kubadda xeebaha ah, isla markaana la helo ciyaartoy tayo sare leh oo matali kara dalka Soomaaliya.

XIIGASHO XIRIIRKA K/ CAGTA SOMALIA.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -