XIGASHO LAACIB.NET

Tartanka qaramada Afrika ee AFCON 2025 oo hadda ka socda dalka Morocco ayaa galaya weji cusub, iyadoo la xaqiijiyay liiska xiddigaha ugu goolasha badan ka hor inta aan la bilaabin wareegga 16-ka dhammaadka toddobaadkan.
Kabtanka xulka Aljeeriya, Riyad Mahrez, (3 gool) ayaa hoggaaminaya liiska gooldhalinta, isagoo saaxadda la wadaaga labada xiddig ee reer Morocco ee Brahim Diaz iyo Ayoub El Kaabi. Sadexdan ciyaaryahan ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay wareeggii hore ee group yada, iyagoo dalkooda u horseeday inay u soo baxaan wareegga xigta.
Halkan kaga bogo kala-sarreynta gooldhalinta AFCON 2025 ee ka hor wareegga 16-ka:
Saddex Gool (3 Gool)
Riyad Mahrez (Algeria)
Brahim Diaz (Morocco)
Ayoub El Kaabi (Morocco)
Laba Gool (2 Gool)
Nicolas Jackson (Senegal)
Ademola Lookman (Nigeria)
Mohamed Salah (Egypt)
Amad Diallo (Ivory Coast)
Elias Achouri (Tunisia)
Lyle Foster (South Africa)
Raphael Onyedika (Nigeria)
Lassine Sinayoko (Mali)
Hal Gool (1 Gool)
Xiddigo dhowr ah ayaa leh min hal gool, waxaana ka mid ah xiddigaha xulka Nigeria ee Victor Osimhen, Wilfred Ndidi, Paul Onuachu, iyo Semi Ajayi.
XIGASHO LAACIB.NET
