Waxaa garoonka Stadium Muqdisho galabta ka bilowday tartanka kubada cagta ee Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyadoo lagu furay Hirshabelle iyo Galmudug.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay gudaha garoonka xili si aad ah loo buuxdhaafiyay oo xitaa ay adkaatay gelitaanka garoonka madaama baaritaan la marayaayo dadka.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre ayaa furey tartanka iyadoo ay garbihiisa taagnaayeen Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Barre,Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf XuseennJimcaale (Madaale)
Sanadkaan waxaa ku cusub tartanka in lacag lagu galaayo ,waxaana lagu wadaa inuu tartanka xariga ka jaro Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre.
Labada dhinac taagerayashooda ayaa garoonka si aan caadi ah u camireen iyadoo sawirada laga helaayo garoonka ay aad u qurxoon yihiin.
=XIGASHO SAWIRADA ASTAAN SPORTA=