HomeCiyaarahaTartanka Kubada cagta Degmooyinka Muqdisho iyo Warsheekh oo soo gaaray 4-dhamaadka

Tartanka Kubada cagta Degmooyinka Muqdisho iyo Warsheekh oo soo gaaray 4-dhamaadka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Tartanka Kubada cagta Degmooyinka Magaalada Muqdisho iyo Degmada Warsheekh ee ka socday Mogadisu Stadium ayaa  soo gaaray 4-dhamaadka ama semefiinaalka tartanka kadib markii ay isku soo hareen afar degmo oo kaliya.

Afarta Degmo ee isku soo hartay ayaa kala ah Dharkeenleey iyo Howl-wadaag oo la isku aadiyay afar dhamaadka iyo Warsheekh iyo Kaaraan oo iyagana la isku aadiyay.

Galabta oo ugu danbeysay Degmada Kaaraan ayaa wareegii 8-da waxay kaga adkaatay Degmada Wada-jir waxayna ciyaartoyda Kaaraan ku badiyeen 3-0 iyagoona sidaa isaga xaadiriyay afar dhamaadka tartanka, shalay waxaa sidaas oo kale iska hor yimid Warsheekh iyo Kaxda waxaana 2-0 ku adkaatay Warsheekh oo afar dhamaadka iska xaadirisay.

Doraad waxaa kulmay Howlwadaag iyo Shibis waxaana 3-1 ku adkaaday Howlwadaag oo hada afar dhamadka ku aadan dharkeenleey,sidoo kale maalintii ka horeysay waxaa is arkay Xamarweyne iyo Dharkeenleey waxaana afar dhamaadka iska so xaadiriyay Dharkeenleey.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -