XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha reer Netherlands ee Erik ten Hag, oo hadda hoggaamiya Bayer Leverkusen, ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo hadda u ciyaara Al Nassr, uusan wax lug ah ku laheyn dhibaatooyinkii soo maray intii uu joogay Manchester United.
Wareysi muuqaal ah oo uu bixiyay, Ten Hag ayaa lagu weydiiyay waxyaabo ku saabsan qaab ciyaareedka Ronaldo iyo bandhiggiisa wanaagsan ee Al Nassr, gaar ahaan kadib markii uu saddexley dhaliyay kulan saaxiibtinimo oo dhawaan dhacay, wuxuuna ku jawaabay: “Aniga ahaan, Ronaldo marnaba ma ahayn dhibaatada Manchester United.”
Ronaldo ayaa kasoo hoos ciyaaray Ten Hag qeybtii hore ee xilli ciyaareedkii 2021-2022, xilli ay jirtay xiisad weyn oo u dhaxaysa labadooda ka hor inta uusan Ronaldo ka tegin kooxda Ingiriiska, kadib heshiis labada dhinac ah oo lagu kansalay qandaraaskiisa.
XIGASHO LAACIB.NET
