HomeWarkiiThabid Cabdi oo baaq cajiiba u soo jeediyay Madaxweyne Xassan taasoo la...

Thabid Cabdi oo baaq cajiiba u soo jeediyay Madaxweyne Xassan taasoo la xiriirta talaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland

Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir xiligii Farmaajo Thabid Cabdi ayaa maanta baaq cajiiba u soo jeediyay Madaxweyne Xassan taasoo la xiriirta talaabada Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Qoraal uu soo saaray Thabid Cabdi kuna baahiyay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
Madaxweyne Xasanow muddo ayaan lahayn dalkaan taladiisa iyo badbaadadiisa halaga wada tashado, walina waan leennahay, maxaa yeelay dalkaan lexo-jeclo ayaa naga heysa.

Maanta dalka khatar ayuu ku jiraa, haddaan midnimo lagu wajahinna saansaanteeda ma qurxana, kala qaybsanaantuna mahadho ayay ku reebaysaa dalka iyo dadka aad Madaxweynaha u tahay.

Mudane Madaxweyne dadka waxgalka ah iskugu yeer si wadajir looga gudbo xaaladdahan cakiran ee dibad iyo guddaba leh ee dalkeena maanta uu ku sugan yahay.

Madaxweynow kuwa kuu camiri jiray caawa oo kale yaysan haadaan kaa ridin, ileen marxaladdan khatarta ah ayay gaarsiiyeen dalka iyo hoggaankaagaba.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -