Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir xiligii Farmaajo mudane Thabid Cabdi ayaa Madaxweynaha Somalia ku qabsaday qodob Dastuuri ah kaasoo ku saabsan dhanka doorashada Dowlada hoose ee Xamar walibana ka mid ah kuwii dhawaan Dowlada Madaxweyne Xasan ay wax ka badashay ah.
Hadaba Qoraal uu ku sharaxayo ku xad-gudubka dastuurka ee Madaxweyne Xasan ayuu soo geliyay barihiisa bulshada wuxuuna u qornaa sidan:-
Madaxweynow waxaan ka mid ahay dadka jecel inay hirgasho himilada dadka Soomaaliyeed ee doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal ah, dad ay dhibaysana ma jiraan horumarka iyo himilada reer Muqdisho, waana laga fiicnaa adigoo ah Madaxweynaha JFS in hadalkaa xanafta leh ee kala-qaybin bulsho horseedi kara afkaaga laga maqlo. SubxaanaAllah!
In awoodda shacabka loo celiyo waa himilada dadka Soomaaliyeed balse waxa aan ka digaynay waa in xuquuqda dadka lagu gambado, iyadoo danno shaqsi ah iyo mid kooxeed la leeyahay.
Wixii inoo muuqday ee doorashada sharci darrada ahayd waan aragnay, kaliya waxa la sugayo waa natiijadii caana-shubka ee aan mustaqbalka lahayn.
Madaxweynow xitaa xeerkii aad rabitaan kaaga ku beddeshay iyadoo aan heshiis lagu ahayn ma tixgelin weysay?

