Gudoomiyihi hore ee maamulka Gobolka Banaadir xiligii Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku wada weeraray mucaaradka saaxiibadiis ah iyo Madaxweynaha Somalia.
Qoraalka Siyaasi Thabid Cabdi ayaa oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Siyaasigu waa inay u kala soocan tahay kala aragti duwanaashaha guddaha ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda.
Waa inaan dowladda ku tageernaa siyaasadda dibedda marka ay sax tahay, qarannimadana dhowrayso.
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲;
Dastuurka aan difaacayno ee 2012 iyo doorasho heshiis lagu yahay, soo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ma lahan?
Ma gar baa aamuska qaarkiin marka la weeraro midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya?
Haddii go’aankii saxda ahaa ee dowladda ka qaadatay xadgudubkii Imaaraatka, ma gar baa in qaarkiin ay wali ka aamusan yihiin, halka Jubaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen?
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲:
Mudane Madaxweyne haddii aan kula qaadannay oo aan kaaga dambayno mowqifka saliimka ah ee midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, miyaanay waajib kugu ahayn inaad midnimada guddaha iyo xallinta khilaafka siyaasiga aad dannaha gaarka ah ka dhex saarto, danta guudna mudnaan siiso?
