HomeWarkiiThabid Cabdi oo weerar afka ah ku qaaday Muuse Suudi

Thabid Cabdi oo weerar afka ah ku qaaday Muuse Suudi

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabid Cabdi ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Sanatar Muuse Suudi oo maanta baarlamaanka ay hadalo iska soo horjeeda isku dhaafsadeen xildhibaan reer Puntland ah.

Thabid oo u muuqday inuu la qaldanaa hadalka Muuse Suudi ayaa ugu baaqay inuu raali-gelin ka bixiyo isagoona carabka ku adkeeyay in Muqdisho tahay caasimada Soomaaliya oo ay dadka ka dhaxeyso.

Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Thabid Cabdi oo sidiisa u qoran:-

Hadalka Sen. Xaaji Muse Suudi ma ahayn hadal gobbeed, waxaana ugu baaqayaa inuu raaligelin ka bixiyo.

Muqdisho waa caasimadda ummadda Soomaaliyeed oo bulshada oo dhan ayay u tahay aqoonsi iyo hoooyada ummadda.

#Muqdishaawi marka aan halku-dhig ka dhigayay ficilna u baddelay oo aan Gobolka Benaadir Soomaaliyeeyay micnaheedu waxay ahayd in qofkasta uu muqdishaawi yahay, lagana xigin magaalada Muqdisho iyo Gobolka Benaadir.

Maamulka Gobolka Benaadir si gaar ah Duqa Caasimadda mas’uuliyad gaara ayaa ka saaran midnimada iyo wadajirka bulshada Gobolka Benaadir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -