Thailand iyo Cambodia ayaa sheegay in ay saxiixeen heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo todobaadyo dagaal ba’an oo ka dhacay xuduudkooda kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof ayna ku barakaceen in ka badan nus malyuun rayid ah oo labada dal ah.
“Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin degdeg ah ka dib markii la saxeexay Bayaankan Wadajirka ah,” wasiirrada difaaca ee Thailand iyo Cambodia ayaa bayaan ku sheegay Sabtidii.
Xabad joojinta ayaa la qorsheeyay in ay dhaqan gasho duhurnimada xiliga maxaliga ah (05:00 GMT).
Heshiiska oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Difaaca Thailand Natthaphon Narkphanit iyo dhiggiisa Cambodia Tea Seiha, ayaa soo afjaraya 20 maalmood oo dagaal ah, kaasoo ah kii ugu xumaa ee dhex mara labada dal ee deriska ah ee Koonfur Bari Aasiya muddo sanado ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
