XIGASHO LAACIB.NET
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Theo Walcott ayaa ugu baaqay taageerayaasha iyo falanqeeyeyaasha kubadda cagta in ay muujiyaan naxariis iyo faham ku aaddan ciyaartoyda Liverpool, isagoo xusuusiyay in hoos u dhaca kooxda uu si weyn ula xiriiro geeridii murugada lahayd ee Diogo Jota.
Weeraryahanka reer Portugal, oo ahaa xiddig muhiim u ah guushii Reds ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore. Jota wuxuu noloshiisa ku waayay shil baabuur oo ka dhacay Spain bishii Luulyo, isaga iyo walaalkiis André Silva.
Walcott ayaa yiri:
“Waxaan u maleynayaa inaan illoobnay in wiilashan, haa, ay shaqo leeyihiin oo ay tahay inay garoonka gutaan, balse wax aad u naxdin leh ayaa ku dhacay — dhimashadii Jota — oo ahaa qayb weyn oo ka mid ah noloshooda ciyaareed ee Liverpool.”
“Dhammaanteen waxaan rabnaa inay si fiican u ciyaaraan, laakiin mararka qaar waan illlownaa in iyagu yihiin bini aadam.”
Liverpool ayaa si xooggan ku bilowday xilli ciyaareedkan kaddib guulahoodii hore, balse haatan waxay la kulantay saddex guuldarro oo xiriir ah, iyadoo niyadda kooxda iyo taageerayaashuba weli saameyn ku yeelatay geerida Jota.
XIGASHO LAACIB.NET
