HomeCiyaarahaTijjani Reijnders oo shaaciyay cidda ka caawisay inuu Premier League-ga si dhib...

Tijjani Reijnders oo shaaciyay cidda ka caawisay inuu Premier League-ga si dhib yar kula qabsado

XIGASHO LAACIB.NET

Tijjani Reijnders ayaa ammaanay ciyaartoyda kooxda Manchester City, isagoo sheegay inay ka caawiyeen inuu si fudud ula qabsado horyaalka Premier League ka dib markii uu xagaagii hore kaga soo biiray AC Milan.

Xiddigan khadka dhexe ee u dhashay dalka Holland, oo xilli ciyaareedkan ka qayb qaatay 32 kulan isagoo dhaliyay lix gool, todobo kalena caawiyay, ayaa tilmaamay in taageerada uu ka helay saaxiibadiisa kooxda ay ka caawisay inuu si degdeg ah u caga dhigto.

Reijnders ayaa yiri: “Bilowgiiba wax walba waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan. Si toos ah ayay ii caawiyeen, waxay iga dhigeen inaan dareemo sidii qof gurigiisii jooga si degdeg ah, waxayna hubiyeen inaan sida ugu dhakhsaha badan ula qabsado kooxda.”

Wuxuu intaas ku daray: “Dareen weyn ayay i siiyeen. Nathan Ake ayaa ah qofka iigu caawinta badnaa sababtoo ah waa saaxiibkayga reer Holland. Markii aan su’aalo qabo, isaga ayaan had iyo jeer weydiin jiray. Balse isaga ka sokow, kabtanada kooxda ayaa sidoo kale si weyn ii caawiyay, waxayna iga dhigeen inaan dareemo raaxo.”

Reijnders ayaa sidoo kale iftiimiyay farqiga u dhexeeya horyaalka Premier League iyo horyaallada Serie A iyo Eredivisie, isagoo yiri: “Awoodda jidheed iyo xawaaraha ciyaarta had iyo jeer waa boqolkiiba boqol. Marna nasiino ma helaysid inta ay ciyaartu socoto. Waa inaad diyaar ahaataa mar kasta oo aad kubadda hesho.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -