Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in ay baahiyeen tira koobka dhibaatada ay Israa’iil ka geysatay Gaza mudo 180 maalmood ah, hadey shacab yihiin iyo hadey wariyayaal yihiin, iyo hadey shaqaale hay’adeed yihiin tan iyo markii Yuhuudu weerarka ku bilowday Gaza.

hadaba halkaan ka akhriso  tirooyinka ugu caansan, sida uu xafiisku Warbaahinta Gaza sheegay:-

Advertisement

Ugu yaraan 32,975 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 14,500 oo carruur ah.
Kumanaan kale ayaa la la’yahay ama ku hoos xayiran burburka hoostiisa.
Ugu yaraan 484 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa la dilay.
In ka badan 75,500 oo Falastiiniyiin ah ayaa soo gaaray dhaawacyo.
Ku dhawaad ​​17,000 oo caruur ah ayaa lumiyay mid ama labada waalid midkood.
In ka badan hal milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay cudurrada faafa sababtoo ah barakac soo noqnoqday.
In ka badan 300 oo shaqaale caafimaad ah iyo 12 saxafi ayaa ay xireen ciidamada Israel.
Ugu yaraan laba milyan oo Falastiiniyiin ah ayaa hadda ku barakacay Qaza.
70,000 oo guri ayaa gabi ahaanba la burburiyay.

No description available.

Previous articleMaxay tahay sababta ay Muslimiinta Maraykanku u diideen inay la afuraan Madaxweyne Biden?
Next articleHay’addaha SoDMA iyo FAO maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here