NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Banaan bixii weynaa ee maanta ka dhacay Magaalooyin ka mida dalka Kenya sida caasimada Nairobi ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeread khasaaraha nafeed ee ka dhashay banaan-baxa maanta.
Golaha xuquuqda aadanaha ee Kenya ayaa warbixin uu soo saaray wxuu ku sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso 10 qof.
Dhaawaca ayaa ayaa lagu sheegay 29 ruux halka xabsiga la dhigay 37 ruux,Sidoo kale laba qof ayaa la afduubtay,Golaha xuquuqda aadanaha ee Kenya wuxuu warbixintiisa ku cadeeyay in khasaaraha nafeed ee dhimashada dhaawaca isugu jira io xarigaba ay ka kala dheceen ilaa 1 ismaamul.
Dibad-baxayaashu waxay Dowlada iyo Hay’adaha xuquuqul insaanka ka dalbanayaan isla xisaabtan, maamul wanaag iyo cadaalad loo sameeyo dadka ay dhibaatooyinka gaarsiiyeen Ciidamada booliiska taasoo ay ku tilmaameen mid naxariis-darra ah.
Sidoo kale Raila Odinga oo ah Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa soo jeediyay Hay’adaha amniga dalka sida booliska lagu sameeyo isbeddello si dib loogu soo celiyo kalsoonidii u dhaxaysay shacabka iyo ciidanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

