Hay’adda maareynta masiibooyinka ee Nepal ayaa sheegtay in daadad ba’an oo ka dhacay meel u dhow xadka dalkaas uu la wadaago Shiinaha ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 987 qof, iyadoo tirada dhimashaduna ay sii kordhayso, hawlgallada gurmadkuna ay galeen maalintii lixaad.
Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay dhimashada 16 qof oo dheeraad ah oo ku dhintay gobolka Tibet, taasoo tirada guud ee dhimashada gobolkaas ka dhigaysa kun iyo dheeraad, iyadoo weli la la’yahay 4,471 qof oo ku kala sugan labada dhinac ee xadka.
Xogtii ugu dambaysay ee Nepal ayaa muujinaysa in dalka oo dhan laga la’yahay 3,925 qof, kuwaas oo ay ku jiraan 592 qof oo ajaanib ah. Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah shaqaale ka tirsanaa mashaariicda korontada laga dhaliyo biyaha (hydropower) oo si toos ah u wajahay xoogga daadadka, inkastoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in tirada shaqaalaha mashaariicdaas ee aan la hayn ay Isniintii hoos ugu dhacday 639, halka markii hore ay ahayd 933.
Hay’adda maareynta masiibooyinka ayaa sheegtay in weli la la’yahay 3,333 muwaadin oo u dhashay Nepal; meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu saameysay waxaa ka mid ah degmada Nuwakot oo laga la’yahay 1,158 qof, iyo degmada dariska la ah ee Rasuwa oo laga la’yahay 865 qof. Dadka la la’yahay waxaa sidoo kale ku jira 45 askari oo ciidanka milateriga ah, 38 sarkaal oo boolis ah iyo 18 sarkaal oo ka tirsan waaxaha kastamka iyo socdaalka.
Dalka dariska la ah ee Hindiya, mas’uuliyiinta gobolka Uttar Pradesh ayaa sheegay inay ka soo saareen wabiyada ka soo qulqulaya dhanka Nepal meydadka 17 qof, kuwaas oo loo malaynayo inay yihiin dad ku dhintay daadadka, inkastoo aan weli lagu darin tirada rasmiga ah ee dhimashada.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM










