QAZA (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in isbitaallada ay diiwaangeliyeen sagaal dhimasho oo cusub oo ay ugu wacan tahay gaajo iyo nafaqo darro 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Guud ahaan tirada dadka gaajada ilaa iminka u dhintay ayaa lagu sheegay inay gaartay kor u dhaafeyso 122, oo ay ku jiraan 83 carruur ah.
Dhanka kale ugu yaraan 52 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo waaberigii Jimcihii, weriyaha Aljazeera ee Carabiga ayaa ku soo warramaya, waxaana weli sii kordhaya khasaaraha dhimashada.
Hogaamiyayaasha Jarmalka, Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u qaado xannibaadda ay ku hayso sahayda gargaarka ee soo gelaysa dhulka Falastiiniyiinta ee cunta la’anta loogu dhimnayo.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lugu dilay yaraan 59,676 qof, waxaana ku dhaawacmay 143,965.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023, in ka badan 200 oo qofna waa lag qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
