Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 96 qof lagu dilay 172 kalena lagu dhaawacay 24 saac gudahood.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Majed al-Ansari ayaa sheegay in Qatar ay “rajo wanaagsan ka qabto” in heshiis xabbad joojin ah ama joojinta colaadda la gaaro bisha Ramadaan ka hor, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in uu rajaynayo.

Advertisement

“isniinta soo socota waxaan sameyn doonnaa xabbad joojin”ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Aljazeera in laga yaabo in heshiiska lagu sii deyn doono 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah iyo 40 maxaabiis Israa’iil ah oo la rumeysan yahay in lagu hayo Gaza.

Saddex qof ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen daanta galbeed ee la haysto,Dagaal xooggan ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in uu ka dhacay xerada qaxootiga ee Farca.

Ugu yaraan 29,878 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa la dilay halka 70,215 kalena  lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleDAAWO: Kulan loogu baroor diiqayo askarigii Mareykanka ee is dilay
Next articleAskari dhawaan dilay askari saxibkiis ahaa oo maanta Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here