HomeWarkiiTirada dhimashada iyo dhaawaca Yuhuudii lagu laayay magaalada Sydney oo korortay

Tirada dhimashada iyo dhaawaca Yuhuudii lagu laayay magaalada Sydney oo korortay

SYNEU (DAYNIILE.COM)-Toogasho wadareed ka dhacday xeebta Bondi ee magaalada Sydney ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15 qof 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen, halka dimashada ay shalay ka ahay 11 ruux.

Mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa, oo laga duubay muuqaal la tacaalaya oo hub ka dhigis ku sameynaya nin weerarka soo qaaday intii ay toogashadu socotay, ayaa lagu ammaanay inuu ahaa geesi.

Raiisel wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in sharciyada hubka ay maanta ka doodi doonaan golaha wasiirada qaranka.

Booliska ayaa sheegay in hal qof oo weerarka geystay oo 50 jir ahaa, sidoo kale lagu dilay goobta; Midka labaad, wiilkiisa 24-jirka ah, ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo “aad u daran” oo weli ku jira isbitaalka.

Maamulka ayaa toogashada ku tilmaamay dhacdo “argagixiso”, iyagoo sheegay in “loo qorsheeyay in lagu beegsado bulshada Yuhuuda ee Sydney maalinta koowaad ee Hanukkah”.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -