MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shil gaari oo aad u naxdin badnaa ayaa shalay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho kadib markii gaari xamuul oo soo bareeg goostay uu ku fadhiistay moto bajaaj.
shacaka oo soo buux dhaafiyay goobta ayaa awoodi waayay in gaariga weyn laga dulqaadi mootadii uu ku fadhiistay,gaariga isagoo awalba ahaa mid weyn oo nuuca xamuulka qaada ah ayuu hadana sida badeeco aad u sii culus.
Inta la ogyahay waxaa shilka ku dhintay 2 ruux halka qof kalana uu ku dhaawacmay,labada geeriyootay ayaa kala ahaa askari mootada saarnaa iyo darawalkii moota bajaajta.
Shacabka oo iskaashanayay ayaa gaariga gacantooda uga dejiyay rarkii saarnaa si gaariga looga dulqaaado mooto bajaajta iyadoona ugu danbeyn lagu guuleystay markii la adeegsaday gaari cagaf ah.
Ninkii waday gaariga weyn oo isku dayay inuu baxsado ayay shacabkii meesha ka dhawaa gacanta ku dhigeen waxayna ku wareejiyeen laamaha amaanka Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM