GAZA (DAYNIIILE.COM)-Weerarada Israel ee cirka, dhulka iyo badda’ ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal Falastiiniyiin ah 24-kii saac ee u danbeysay sida Khamiistii ilaa iyo shalay galab oo jimco ahayd.

Sida ay baahisay Al-Jazeera waxaa la dilay 24 saac la soo dhaafay 142 falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 278 ruux.

Advertisement

Xasuuqa dadkaasi shacabka ah loo geystay khamiistii iyo jimcihii waxaa Aljazeera u xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku-dubbaridka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA).

Helitaanka biyaha la cabbo ayaa sidoo kale “soo yaraanaya maalin kasta” gudaha dhulka Falastiiniyiinta iyada oo ay jirto waxa Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku tilmaamay xaalado nololeed oo bini’aadantinimo ka baxsan iyo faafitaanka cudurrada, oo ay ku jiraan xaaladaha la xaqiijiyay ee cagaarshow A.

UNOCHA waxa kale oo ay sheegtay in millatariga Israa’iil ay burburiyeen Jaamacadda Israa’iil oo ku taalla Az-Zahra, ee koonfurta magaalada Gaza, ka dib markii ay ciidammada Israa’iil xeradaas u isticmaaleen muddo 70 maalmood ah oo ay saldhig ka dhigteen iyo xarun ku meel gaadh ah.

Warbixinta Qaramada Midoobay laguma sheegin sababta Jaamacadda ay u burburiyeen Israa’iiliyiinta.

Ilaa Khamiista, 1.7 milyan oo falastiiniyiin ah ayaa lagu qiyaasay inay ku barakacsan yihiin Qaza.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qaahira+SAWIRRO
Next articleMaamulka Juballand oo shaaciyay in la helay C/rashiid Janan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here