HomeWarkiiTirada maanta kaliya lagu xasuuqay Qaza iyo wararkii ugu danbeeyay

Tirada maanta kaliya lagu xasuuqay Qaza iyo wararkii ugu danbeeyay

Gaza

QAZA (DAYNIILE.COM)-Dhimashada Qaza ayaa maanta gaartay 25 qof Ilo wareedyo ku sugan xarumaha caafimaadka ee Qaza ayaa ku waramaya in 25 falastiiniyiin ah ay ciidamada Israel ku dileen deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza tan iyo saaka, kuwaas oo ay ku jiraan 12 gargaar doon ah.

Sidoo kale ugu yaraan 44 qof ayaa lagu dilay weerarro ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen marinka Qaza Jimcihii, sida ay ilo-wareedyo isbitaalka u sheegeen Warbnta Al Jazeera.

Dhanka kale Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ugu yaraan 1,760 falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza iyagoo gargaar u doonanaya tan iyo dabayaaqadii bishii May, taasoo kor u kacday dhowr boqol tan iyo markii ugu dambeysay ee la daabacay bilowgii Agoosto.

Ciidanka Israa’iil ayaa sii kordhinaya duqeymaha iyo burburinta aan joogsiga lahayn ee ay ku hayaan magaalada Gaza, taasoo ka dhigaysa kumannaan ka mid ah dadka deggan magaaladaas oo aan haysan meel ay uga baxsadaan.

Ugu yaraan hal cunug oo kale oo Falastiini ah ayaa gaajo ugu dhintay Gaza Jimcihii, taasoo kor u qaadeysa tirada guud ee dhimashada la xiriirta gaajada ee gobolka macluusha ah, oo ay ku jiraan 107 carruur ah, ayay tiri Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Si  kastaba Dagaalka Israa’iil ee Qaza guud ahaan  waxa lagu dilay  61,827 qof, waxaana ku dhaawacmay 155,275. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -