HomeWarkiiDad ka soo jeeda Koofur-Galbeed oo lagu af-duubtay Puntland

Dad ka soo jeeda Koofur-Galbeed oo lagu af-duubtay Puntland

Waxaa si sharci darro ah magaalada Gaalkacyo afduub loogu haystaa raggan aad u jeeddaan sawiradooda oo deeggaan ahaan kasoo jeedda Koonfur Galbeed, balse ka ganacsanaayey deeggaanada Puntland. Qaarkoodna ay ahaayeen Nabbadoono balse hayb ahaan loo ugaarsadey.
Raggan ganacsatada ah waxey u xiranyihiin oo muddo Seddax maalmood ah xorriyadooda u la’sanyihiin Beesha Majeerteen gaar ahaan Cumar Maxamuud, oo ku andacoonaysa nin waa hore lagu diley Koonfurta Soomaaliya ayna ku tuhmayaan inuu reer Koonfur Galbeed ahaa balse iyagu aysan u haynin wax cadeyn.
Waxaase nasiib darro ah in Booliska qeybta Puntland ee Degmadda Gaalkacyo ay raggaan ganacsatada iyo Nabbadooda isagu jira ay kasoo qafaashaan guryahooda iyo xarrumahooda ganacsi iyagoo aanan haysan Waaran Maxkamaddeed.
Muwaadiniin Soomaaliyeed Canshuur bixiyaal ah deeggaankooda Amni darro uga soo cararey in Puntland oo dhul Soomaaliyeed ah lagu gumeysto waa nasiib darro. Mana ahan markii ugu horeysay oo arrin noocani ah uu Maamulka Puntland kula kaco ganacsatada reer Koonfur Galbeed ee deeggaanadooda ka ganacsada.
Reer Puntlandnow waxaa weli deeggaanada Koonfur Galbeed deggan dadkii Abaartii daba-dheer ee 1974-1975 laga soo rarey Puntland, Galmudug, iyo Somaliland. Maalina Koonfur Galbeed laguma dhibaateynin. Maxaad u caburineysaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo deeggaankiina Horumarkiisa qeyb ka ah, Canshuurta uga baddana aad ka qaaddaan?.
Fadlan xorriyadooda siiya Nabbadoonada iyo Ganacsatada aad guryahooda iyo xarrumahooda ganacsi aad kasoo qafaalateen.
Madaxweynihii u doodi lahaa dadkan la midab takoorey, isagaa u afduuban Xasan Shiikh, bal iyaduna garab hala innagu siiyo siddii aan Madaxweynaheena uga dhigan lahayn Madaxweyne xor ah oo danta dadkiisa iyo deeggaankiisa ka shaqeeya.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -