Warbixin ay baahisay Arab Reporters for Investigative Journalism (ARIJ) ayaa lagu shaaciyay tirada boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo ku dhintay duqeymaha Mareykanka ka geysto Somalia 19-kii sano ee la soo dhaafay.
Ugu yaraan 216 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha cirka ee Mareykanku ka fuliyey Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 ilaa May 2025 sida lagu sheegay Baaritaanka.
Warbixintaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in guud ahaan duqeymo Mareykanku ka fuliyay Afar Dal oo kala ah Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, iyo Yemen ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen 3,336 qof oo rayid ah.
Sidoo lale Warbixinta waxaa lagu sheegay in waxay caddeysay in Xog-ururinta in tirooyinka la soo sheegay ay yihiin hasaaraha ugu yar ee la xaqiijin karo maadaama baarayaashu ay meesha ka saareen dhacdooyinka shakigu ku jiro ama aan si buuxda loo xaqiijin taas oo muujinaysa in khasaaraha rasmiga ah uu intan ka badan karo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
