Gaza (dayniiile.com)-Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza ayaa Warbixin ka soo saaray tira koob uu ku sameeyay wariyayaasha lagu dilay Magaalada Gaza tan iyo 7-dii Bishii Oktobar oo ahayd markii Xamaas weerarkii weynaa ku qaaday Israa’ii.

Xafiiska warbaahinta Gaza wuxuu shaaciyay in mudadani oo sedex bilood iyo 4 maalin ah lagu dilay in ka badan 86 Wariyayaal iyo shaqaale warbaahin kuwaasoo ka howlgalayay Gaza.

Advertisement

tirada suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta ee la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar waxay hadda maraysaa 86″ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska warbaahinta Gaza

Xafiisku wuxuu intaasi ku daray in wariyayaasha iyo shaqaalaha warbaahinta la laayay  iyagoo isku dayaya in ay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Tirada saxafiyiinta la laayay waxaa ku jira 10 haween ah inta kale waa rag.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Mourners attend the funeral of Palestinian journalist Mohammed Abu Hattab, who was killed in an Israeli strike, in Khan Younis in the southern Gaza Strip, November 3

Previous articleAabaha dhalay Wariyaha Al-Jazeera ee Gaza oo Caawa lagu dilay duqeymaha Israa’iil
Next articleShir ku saabsan amniga Soomaaliya oo Saaka ka furmaya New Yor iyo Madaxweynaha oo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here