Tiradii ugu badneyd maxaabiis Taliban ah oo la sii daayey

0

Heshiis maxaabiis kala beddelasho ah, una dhexeeya Maraykanka iyo Dowladda Afghanistan oo dhinac ah iyo kooxda Talibaan oo dhinaca kale ah ayaa maraya heer gabo-gabo ah, iyada oo shalay la sii daayey tiro kale oo ka mid ah maxaabiis Taliban ah oo ku xirnaa xabsiyada ay Dowladdu maamusho.

Tirada maxaabiista loo sii daayey kooxda Taliban ayaa ilaa hadda ah 3 kun, oo u dhiganta 60% maxaaiibta laga hayo Taalibaan, iyada oo tirada kale ee dhiman lagu wado in la sii daayo mustaqbalka, dhow, waxaanna qorshahani qayb ka ah meelmarinta heshiis nabadeed oo 2da dhinac ay hirgelinayaan.

Taliban, ayaa dhankeeda sii daysay maxaabiis u dhashay Yurub, Maraykan iyo  Afghanistan, waxaanna maxaabiista ku jira askar iyo saraakiil.

Heshiiska la isku waydaarsaayo maxaabiista ayaa lagu gaaray Dalka Qadar, waxaanna heshiiskaasi bud-dhig u ah in marka hore la hirgeliyo nabad, lama joojiyo qulqulatooyinka, markaa kaddibna laga wadahadlo sida awoodda loo qaybsan lahaa.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here